MW Xasan Sheekh oo Hambalyo udiray Shacabka Jabuuti 27 June iyo Munaasad lagu xusayey xiligi dalkaasi uu qaatay Xornimada oo lagu qabtay Magalada Baladweyne G/Hiiraan.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa hambalyo ku aaddan maalinta xornimada dalka aan walaalaha nahay ee Jabuuti  u diray  Madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle, xukuumaddda iyo shacabka dalkaas.

Madaxweynaha ayaa tilmaamay in xornimada Jabuuti oo ay ka soo wareegtay 46 sano ay ku timid halgan taariikhi ah oo muujiyey awoodda, cududda iyo caqliga mideysan ee dadka Soomaaliyeed ay iskaga dulqaadeen heeryadii gumeysiga, waxa uuna xusay sida ay walaalaha Jabuuti u garab istaageen iyaguna, dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed xiliyadii adkaa.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa u rajeeyey dowladda iyo shacabka aan walaalaha  nahay ee Jabuuti, midnimo, horumar iyo barwaaqo waarta.

 

Dhankale Ciidamada ATMIS gaar ahaan Dalka Djibouti ayaa xuska sanad guurada 46-aad ee ka soo wareegtay xoriyada dalkooda ku qabtay xarunta ciidamadooda ay ku leeyihiin Magaalada Beledweyne ee Gobolka Hiiraan.

Munaasabadan lagu xusaayay maalintii ay Xurnimada qaadatay Dowladda Jabuuti ayaa  waxaa ka qeyb galay Taliyaha Qaybta 4-aad ee ATMIS ee ka socdo Dalka Jabuuti Gaashaanle Sare Hassan Djamac, ku xigeenkiisa, Gaashaanle Sare Shumet Telelew Endeshaw, iyo Taliyaha ciidamada Jabuuti Gaashaanle Sare Xumad Axmed Maxamed.

Sidoo kale Munaasabada ayaa waxaa goob joog ka ahaa saraakiil sarsare oo ka tirsan Ciidamada Dowladda Federaalka Soomaaliya ee Gobolka Hiiraan.

Flag of Djibouti