MW Xasan Sheekh oo Muqdisho ka sagootiyey mas’uuliyiintii ku dhaawacmay weerarkii Hotel SYL.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud  ayaa garoonka diyaaradaha ee Aaddan Cadde ku sii sagootiyey mas’uuliyiin iyo muwaadiniintii Soomaaliyeed ee ku waxyeeloobay weerarkii lagu qaaday Hotelka SYL, kuwaas oo xaaladdooda caafimaad lagu soo daaweynayo dalka dibaddiisa.

Diyaarad ay leedahay dowladda Turkiga ayaa lagu qaaday dhaawacyadaan oo gaaraya illaa 19 qof oo dhaawacyo halis ah qaba, oo ay ku jiraan mas’uuliyiin ka tirsan dowladda iyo xildhibaano u qaaday magaalada Istanbul ee dalka Turkiga si loogu daweeyo.

Dhaawacyada bukaannada ayaa waxaa garoonka diyaaradaha Aadan Cabdulle ee magaalada Muqdisho ku sii sagootiyay Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo ay wehliyaan wasiirro, xildhibaanno iyo mas’uuliyiin ka tirsan dowladda.

Habeenkii Jimcaha ayaa kooxda Al-Shabaab waxa ay weerar ku qaadeyn hotel SYL oo kaabiga ku haya Madaxtooyada Soomaaliya, kaas oo oo ay fariisan jireen Ciidamo ka tirsan dowladda ayaa waxaa ka dhashay khasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac.