MW Xasan Sheekh oo Tanzania uga mahadceliyay garab istaagga ay u muujisay midnimada dhuleed.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa madaxda iyo shacabka Tanzania uga mahadceliyay garab istaagga ay u muujiyeen in aanay lagu xadgudbin madaxbannaanida iyo wadajirka dhuleed ee Soomaaliya.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sheegay in heshiiska baalmarsan madaxbannaanida dhuleed ee jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ee Itoobiya shaacisay 1dii Janaayo 2024 uu noqday mid dhaliyay falcelin dhinacyo badan.

Waxa uu sheegay in aanay dunida aqbalayn tallaabooyin kahor imaanaya shuruucda caalamiga ah ee kala xadaynaya Dalalka isla markaana ku xusan axdiyada ay ku dhisan yihiin ururrada iyo Hay’adaha caalanka ah ee xubnaha laga wada yahay.

Itoobiya ayaa waji-gabax kala kulantay heshiis-beenaadkii ay galay Gobollada Waqooyi (Somaliland) waxaana si cad uga hor yimid Dowlado, Ururro caalami ah & Hay’ado kala duwan oo dhammaantood ka digay xiisadda ka dhalan karta tallaabooyinka sharci darrada ah ee Xukuumadda Addis Ababa ay qaadayso.