Nabaddoon lagu dilay Magaalada Muqdisho

Wararka naga soo gaaraya degmada Howlwadaag gaar ahaan Xaafadda Cali Shire ayaa waxa ay sheegayaan in halkaasi Kooxo hubeysan ay ku dileen nin nabaddoon ah.

Ninka la dilay ayaa lagu Magacaabi jiray Xuseen Geeddi Jimcaale.

Koox dhalinyaro ah oo la sheegay in ay wateen Bastoolado ayaa beegsaday Nabadooonka xilli uu ku sugnaa hoygiisa oo halkasi ku yaalla.

kooxihii dilka geystay ayaa baxsaday, waxaana la sheegay in halkaasi ay gaareen ciidamada Ammaanka dowladda Soomaaliya.