Nabadoon lagu dilay duleedka Muqdisho

Sida ay sheegayaan wararka inaga soo gaaraya duleedka magaalada Muqdisho, rag hubeysan ayaa saakay duleedka magaalada Muqdisho waxa ay ku dileen nin Oday ahaa oo ka mid ahaa Culimada sida weyn looga yaqaano magaalada Muqdisho.

Dilkan oo si gaar ah uga dhacay inta u dhaxeysa Tabeelaha Sheekh Ibraahim iyo degaanka Weedow ayaa waxaa loo geystay Nabadoon C/laahi Maxamed Rooble oo ahaa Oday Da’ah.,

Goobjoogayaal ayaa warbaahinta waxa ay u sheegeen dabley wadatay Mootada loo yaqaano VIKON inay gaari NOAH ah oo uu watay Sheekh C/laahi ku hor jareen kadibna ay ku rasaaseeyeen.

Sidoo kale goobjoogayaasha ayaa waxa ay sheegeen xilliga uu falkan dhacayay in gaariga ay saarnaayeen dad ehel la ah Marxuumka la beegsaday, oo aan wax khasaare ah la gaarsiin.

Raggii dilka geystay ayaa goobta ka baxsaday, waxaana ilaa hadda aanan la ogeyn sababta ay u beegsadeen ninkan Da’da ah ee aan faraha kula jirin siyaasad, sida ay sheegeen qaar ka tirsan ehelkiisa.

Laakiin ilo madax banaan ayaa waxa ay sheegayaan ninkan la dilay inuu ka mid ahaa Ergadii xildhibaanada Baarlamaanka ku soo dooratay magaalada Baydhabo.

Ciidanka ammaanka dowladda federaalka ayaa tagay goobta waxayna Marxuumka geeyeen xarunta dambi baarista ee CID-da, kahor inta aysan keenin gurigiisa oo ku yaalla xaafada Baar Ha’idhaafin, Waaxda Hantiwadaag ee degmada Waaberi.