Naciimo Abwaan Qorane oo Xabsiga laga siidaayay

Wararka Naga soo gaaraya Magalada Hargeysa ayaa wax ay sheegayaan in goordhow Xabsiga lagasiidaayey Naciimo Abwaan Qorane oo horay Maxkamada Hargeysa ay ugu xukuntay 4 Sanno oo Xabsi ah.

Madaxweynaha maamulka Soomaaliland Muuse Biixi Cabdi ayaa la sheegay in cafis Madaxweyne uu u fidiyey,iayda oo ku xirneyd Xabsiga Magalada la yiraahdo Gibiley.

Maalma kahor ayaa waxaa Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi waxa uu la kulmay Aabaha dhalay Naciima ee Abwaan Qorane,waxa uuna u shegay in gabadhiisa lasiideyn doono.

Abwaan Naciimo Qorane ayaa waxa la xiray ka gadaal markii ay kasoo noqotey safar ay ku timid magaalada Muqdisho, oo ay kaga qeyb gashey barnaamij ay qabaneysay warbaahinta TEDx.