NASIIB XUMO! Daafaca Reer Brazil Dani Alves Oo Seegi Doona Koobka Aduunka Kadib Dhaawac Jilibka Kasoo Gaaray.

Xulka Brazil ayaa u muuqda mid mashaqo lugaha lasii galaya waxeyna weyn doonaan koobka Aduunka daafaca Paris Saint Germain Dani Alves kaas oo dhaawac dhanka jilibka ah uu soo gaaray.

35-jirkaan ayey dhibaato soo gaartay kulankii ugu dambeeyay kooxdiisa ay ciyaarta final-ka tartanka Coupe de France, dhamaadka ciyaarta wuxuu u muuqday mid taam buuxa u noqon kara ciyaaraha Russia ka dhacaya, balse nasiib xumo ma noqon.

Qiimeyntii ugu horeysay kaliya waxey sheegtay in fasalkaan inta ka dhiman uu seegi karo balse uu aadi doono Russia, balse raajadii la saaray waxey sheegtay in gabi ahaanba ay ku adag tahay inuu raaco wadankiisa.

Waaxda caafimaadka xulka Brazil ayaa yimid magaalada Paris oo ay hogaaminayaan labada dhaqtarka kooxda Rodrigo Lasmar iyo iskuduba-ridaha kooxda Edu Gaspar, isla markiiba waxey garteen in riyadii Alves ee koobka Aduunka ay soo idlaatay.

Wargeyska Globoesporte aya shaaca ka qaaday in shaqaalaha xulka ay afar saacadood ku qarash gareeyeen Dani Alves iyagoo ugu tagay xarunta tababarka Paris Saint Germain.