Xoghayaha Guud ee NATO, Mark Rutte ayaa caddeeyay in i NATO si rasmi ah uga mid noqon doonin colaadda u dhaxeysa Mareykanka, YHD iyo Ir*n ee ka taagan Bariga dhexe xili uu wareysi siinayey, telefishinka Jarmalka ee ARD
Dhanka kale, Madaxweynaha Turkiga Recep Tayyip Erdogan ayaa wada hadallo la yeeshay Xoghayaha Guud ee NATO, Mark Rutte, iyo Ra’iisul Wasaaraha Jarmalka Friedrich Merz, isagoo ku adkeeyay in diblomaasiyad iyo wada-hadal la siiyo fursad si loo gaaro nabad waarta oo Bariga Dhexe ah, halkii colaada laga sii hurin lahaa.
Erdogan ayaa sheegay in dagaalka gobolka ay halis ku yihiin amniga caalamka, wuxuuna ku baaqay xal nabadeed oo degdeg ah.
