Neymar Junior Oo Iska Indho-tiray Lionel Messi & Cristiano Ronaldo Mar La Su’aalay Xidigaha Ugu Cad-Cad Koobka Aduunka – Ayuuse Doortay?

Weeraryahanka Brazil Neymar Junior ayaa iska indho-tiray labada xidig ee tobankii sano ee laoso dhaafay qeybsaday abaalmarinada dunida kubadda cagta, mar wax laga weydiiyay xidigaha iftiimin kara koobka Aduunka.

Neymar Jr ayaa ku sugan Brazil isagoo kasoo kabsanaya dhaawac kasoo gaaray cagta bishii February ee lasoo dhaafay, wuxuuna dhawaan ka dhawaajiyay inuu soo bogsoon doono 17-ka May taasoo hubanti ka dhigi karta inuu Brazil u raaco koobka Aduunka ee ka dhacaya Russia.

Iyadoo la filayo in ciyaartoy badan ay awoodooda kusoo bandhigaan koobka Aduunka ee bartamaha sanadkaan lagu balansan yahay Russia, ayaa Neymar la weydiiyay, lama filaan ayey noqotay inuusan magacaabin Messi & Ronado.

Neymar oo ah hogaamiyaha ugu sareeya oo ay dadka reer Brazil isha ku hayaan ayaa magacaabay: Philippe Coutinho, Gabriel Jesus, sidoo kal Mo Salah, Eden Hazard, Kevin De Bruyne iyo Luis Suarez.

Saaxiibkiisii hore Barcelona Lionel Messi iyo ninka ay wax badan xifaaltameen ee Ronaldo ayuuse carabkiisa soo qaban