Nikii Kadan beeyay Dilka Madaxii DP World Oo Geeriyooday

Magaalada Boosaaso ee xarunta gobolka Bari waxaa xalay ku geeriyooday ninkii ka dambeeyay dilkii shalay Magaalada Boosaaso loogu geystay Madaxii Shirkadda DP World ee Boosaaso  Paul Anthony Fermosa  , taasoo gacanta ku heysa dekedda Magaalada Boosaaso.

Ninka xalay geeriyooday ayaa lagu Magacaabi jiray Cabdullaahi Maxamed Ibraahim, waxaana ku geeriyooday Isbitaalka Magaalada Boosaaso, maadaama shalay uu soo gaaray dhaawac.

Ninkaan ayaa kasoo muuqday baraha Bulshadda xilli ay soo su’aallo weydiinaayeen Ciidamada Ammaanka maamulka Puntland.

Madaxweynaha Puntland ayaa amar ku bixiyay in sidda ugu dhaqsiyaha badan baaritaano loogu sameeyo dilka Madaxii Shirkadda DP World.

Fermosa oo kasoo jeeda Dalka Talyaaniga waxaa uu ahaa  madaxa DP World ee dekadda Bosaaso tan iyo Bishii Oktoobar 2017.