Nin dad ku dilay Goob Ay Ka Socotay Xaflad Aroos

Wararka naga soo gaaraya degaanka Lulubsho ee Gobolka mudug ayaa waxa ay sheegayaan in nin hubeysan uu rasaas ku furay dad ka qeyb galayay Munaasabad Aroos ah.

Qaar ka mid ah dadka degaanka Ayaa warbaahinta u xaqiijiyay in rasaasta uu furay Ruuxa hubeysan  uu ku dhintay hal ruux, waxaana sidoo kale ku dhaawacmay 2 Ruux.

Dadka dhaawacmay ayaa lasoo qaaday Isbitaa ku yaalla Magaalada Gaalkacyo ee Galmudug, waxaana la sheegay in xaaladooda Caafimaad ay Wanaagsan tahay.

Ninka hubeysan ee rasaasta ku furay Arooska ayaa la sheegay in uu baxsaday, islamarkaana hadda ay ku raad jooggaan Odayaasha dhaqanka degaanka.

Degaanka  Lulubsho ayaa ka mid ah degaanada hoos yimaada degmada Hobyo ee gobolka Mudug.