Nin dil kageystay Qardho Oo Laga Soo Qabtay Yemen

Magaalada Boosaaso ee Xarunta Gobolka Bari ayaa waxaa xalay laga dejiyay Nin laga soo qabtay dalka Yemen ku eedeeysan inuu Magaalada Qardho horey ugu dilay Nin la sheegay inuu Ganacasade ahaa.

Safiirka dowladda Soomaaliya u fadhiga dalka Yemen Cabdullaahi Xaashi Shuuriye ayaa Ninkaas ka dejiyay Magaalda Boosaso,isagoo u gacan geliyay Madax ka tirsan Maamulka Puntland.

Ninka laga soo qabtay dalka Yemen ayaa waxaa lagu magacaabaa Maxamed Cabdullahi,kaasi 20-ka Bishii july ee Sanadkan Qardho ku dilay Allaha u naxariistee Dirir Cabdi Gufuri oo ahaa Ganacsade Caan ah.

Madaxda maamulka Puntland ayaa Safiirka dowladda Soomaaliya u fadhiga dalka Yemen Cabdullaahi Xaashi Shuuriye uga mahadceliyay sid gacanta loogu soo dhigay Ninka dilay Dirir Cabdi Gufuri.

Sidoo kale Maxamed Cabdullahi ayaa waxaa isla xalay lagu xiray Saldhig ay leeyihiin Ciidamada dowlad Goboleedka Puntland eek u yaalla Magaalada Boosaaso ee Xarunta Gobolka Bari.