Nin Dil U Gaystay Xubno Qoyskiisa Kamid Ah Muqdisho.

Warar kala duwan ayaa kasoo baxaya dhacdo xanuun badan, isla markaana argagax leh oo xalay ka dhacday magaalada Muqdisho, gaar ahaan degmada Dharkenley ee gobolka Banaadir, sida ay innoo sheegeen dadka deegaanka.

Dhacdadan ayaa timid kadib markii nin kamid ahaa dadka deegaanka uu guri ku yaalla degmadaas uu ku gubay xaaskiisa iyo caruurtiisa, kadibna uu baxsaday.

Wararka ayaa sheegaya in ninka uu maseeray, kadibna uu sidaas dab ku qabadsiiyay guriga oo ay ku sugnaayeen xaaskiisa iyo carruurtiisa.

Dhanka kale waxaa haatan baaritaano dheeraad ah wada ciidamada ammaanka dowladda oo baadi goobaya eedeysanaha oo la sheegay inuu goobta uga baxsaday gaari.