Faah-faahino dheeraad ah ayaa waxaa laga helayaa dhacdo argagax leh oo Talaaladadii ka dhacday gudaha magaalada Wajeer ee dalka Kenya, kadib markii wiil Soomaali ah uu si arxan darro gudaha magaaladaas ugu dilay hooyadiis.
Falkan ayaa si gaar ah uga dhacay xaafadda Cali Macow oo ka tirsan degmada Wajeer, waxaana eedeysanaha magaciisa lagu sheegay Cabdifitaax Maxamed, kaas oo lasoo xiray.
Eedeysanaha ayaa dilka u adeegsaday baangad uu qoorta kaga jaray hooyadiis, sida ay sheegeen dadka deegaanka oo si aad uga naxay falkaasi argagaxa leh.
Sidoo kale wuxuu tilmaamay in ninka gaystay falkan horay loo xiray, kadib dhibaato uu ka gaystay magaalada, haatana la geeyay saldhigga, si tallaabo looga qaado.
Horay dhacdo tan lamid ah waxay uga dhacday magaalada Kismaayo ee Soomaaliya, kadib markii nin watay mindi ku gowracay hooyadiisa, kaas oo isna mar dambe la toogtay.