Nin Hubeysan Oo Dil ka Geystay Magaalada Cadaado

Wararka Ay warbaahintu ka helayso magaacalada Cadaado ee gobalka Gal-gaduud ayaa sheegaya in nin hubaysani uu dhowr qof ku dilay xarun dadlka lagu dhaqanceliyo dadka oo ku taal bartamaha magaalada Cadaado.

Weriyaba magaalada Cadaado ayaa soo sheegaya in qof ka mid ahaa dadka lagu xanaaneyn jirat xaruntaas baxsadayna maalma ka hor in uu maanta ku soo laabatay xarunta isaga oo hubaysan isla markaana uu toogtay mid ka mid ah ilaalada xarunta

Ciidamada amaanka oo gaaray xarunta la weeraray ayaa la sheegay in ay gacanta ku dhigeen qofkii ka dambeeyay weerarka uu ku dhintay Maamulihii xaruntaas,waxaa kale oo la sheegay in Cisbitaalka Magaalada la dhigay mid ka mid ah ilaalada xarunta oo dhaawac culus oo gaaray.