Nin ka tirsanaa Ergada Soo dooratay Xildhibaanada Baarlamaanka Somaliya, oo lagu dilay Muqdisho

Xubin ka tirsan Ergadii soo dooratay Xildhibaanada Baarlamaanka Somaliya, ayaa salaadi casir kadib lagu dilay degmada Wadajir ee gobolka Banaadir, sida ay inoo sheegeen Hay’adaha ammaanka dowladda federaalka.

Marxuumka la dilay ayaa waxaa lagu magacaabi jiray Macalin Daahir Cali Tifow, wuxuuna xiligan ka mid ahaa ganacsatada degmada Wadajir, si gaar ah wuxuu gacanta ugu hayay Bankiga suuqa weyn ee degmada Wadajir.

Goobjooge, ayaa sheegay in laba nin oo bistoolado ku hubeysnaa ay toogasho ku dileen ninkaasi, xilli uu ku sii jeeday hoygiisa oo ku yaala degmada Wadajir.

Raggan oo lala xiriirinayo ururka Al-Shabaab, ayaa dilka kadib ka baxsaday goobtaasi, oo kol dambe ay ku baxeen ciidamada ammaanka ee ka hawlgala magaalada.

Ciidamada Booliska ayaa waxa ay halkaasi ka qaadeen meydka marxuumka, oo ay geeyeen Xarunta Hay’adda dambi baarista ee CID.

Magaalada Muqdisho ayaa laf dhabar u noqotay halka ugu badan ee lagu bartilmaameydsado Ergadii Xildhibaanada soo xushay.