Nin kamid ahaa Ergadii Soo doorataY mudane yaash Baarlaamnka oo lagu dilay Muqdisho

Rag hubeysan ayaa xalay degmada Wadajir ee gobolka Banaadir waxa ay ku dileen mid ka mid ah odayaasha dhaqanka ee ka qeyb qaatay soo xulista xildhibaanada baarlamaanka federaalka Soomaaliya.

Dad goobjoogayaal ah ayaa warbaahinta  u sheegeen in dilkan ay ka dambeeyeen laba dhalinyaro ah oo ku hubeysnaa Bastoolado, kuwaasi oo dilka kadib ka baxsaday goobta.

Odayga la dilay oo lagu magacaabi jiray Maxamed Cali Feeldheer ayaa sababta loo beegsaday waxaa lagu sheegay inay tahay inuu ka mid ahaa ergadii magaalada Cadaado uga qeyb gashay doorashadii xildhibaanada baarlamaanka Soomaaliya.

Meydka ninkan ayaa waxaa goobta ka qaaday ciidanka ammaanka oo goor dambe halkaasi gaaray, hawlgal ay sameeyeen ma aanay suuragelin in gacanta lagu soo dhigo dableyda.

Shabaab oo sheegtay masuuliyadda dilkan ayaa waxa ay tilmaameen inuu qeyb ka yahay ugaarsiga ay ku hayaan ergada ka qeyb gashay doorashadii xildhibaanada baarlamaanka ee ka kala dhacay degaan doorashooyinka dalka.

Shabaab ayaa horey ugu goodiyay inay beegsanayaan dadkii ka qayb galay doorashooyinka xildhibaanada ee ka kala dhacay degaanada doorashooyinka dalka, waxaana Muqdisho horey loogu dilay dad badan oo ka mid ahaa Ergada.