Nin kulebisnaa Deriiska Ciidamada dowlada Oo Qof haweeney ah kudilay Xeebta Liido Ee Magalada Muqdisho

Dilka ayaa waxaa la sheegay in uu geystay Nin ku labisnaa dareeska ciidamada Dowladda Soomaaliya kadibna uu goobta isaga baxsaday sida uu warbaahinta d u sheegay qof goobjoog ka ahaa xiligii uu falka dilka ah dhacayay.

Askariga dilka geystay ayaa ka soo baxay dukaan uu alaab ka soo iibsaday,isla markaana gabadha ay iyana ka soo baxday mid ka mid ah Hotelada ku yaalla Liido uu la hadlay balse ay ka dhega adeegtay taasi oo keentay in uu rasaas ku furo isla goobtiina ay ku geeriyooto.

Cabdiraxmaan oo ka mid ahaa dadka goobjoogayaasha ayaa Wareysi Uu siiyay warfidiyeenka waxa uu sheegay in Gabadha ay ka mid aheyd dadka u soo damaashaad taga xilliyada habeenkii Xeebta liido.