Nin laga Shakiyay Oo lagu Xiray Netherlands

Ciidanka Booliska dalka Holland ayaa xiray nin 23 jir ah oo ku nool magaalada Breda ka dib markii ay sheegeen in uu ka tirsan yahay Ururka Al-Shabaab ee ka dagaallama Soomaaliya.

Ninkaan ayaa lagu eedeeyay in Al-Shabaab uu ku biiray Sanadkii 2017-ka, islamarkaana uu tababaro kala duwan kusoo qaatay Koonfurta Soomaaliya.

Sir-doonka AIVD ayaa sheegay in looga shakisan yahay in uu maleegayay weeraro Argagixiso oo ka dhaca Magaalada Breda.

Waxaa la rumeysan yahay in ninkan dib ugu  laabtay Netherlands sannadkii hore,  waxaana bilooyinkii ugu dambeeyay  uu ku sugnaa Magaalada Bredo.

Booliska waxa ay sheegeen in uu asal ahaan kasoo jeeddo Soomaaliya, laakiin uu heysto dhalashadda dalkaasi oo uu kusoo barbaaray.