Maxkmaadda Old Bailey ee magaalladda London, waxaa shalay la soo taagay Eedeysane Saabir Shariif oo 32-jir ah, kaasi oo lagu soo oogay Isku-day dil iyo inuu Haweeney 27-jir ah dhowr jeer mindi ku dhaawacay , kadib weerar kufsi ah.
Dacwad-oogayaasha waxay sheegeen inuu Eedeysanaha bishii April 9-dii ee sannadkii 2012-kii uu dembigaasi galay, isagoo Haweeneyda dhowr jeer ka dhaawacay Wejiga, Luqunta, Laabta iyo Gacanta.
Garsoore Usha Karu oo Dacwadaasi qaaday waxay Eedeysanaha ku xukuntay Xabsi 13-sanno ah, ka hor inta aan la go’aansanin in la sii daayo, marka uu Eedeysanaha dhamaysto Xukunkiisa.
Ma kala cadda inay Waaxda Socdaalka ee dalka Britain dib u eegi doonto Xuquuqda uu u leeyahay inuu sii joogo UK, marka uu dhamaysto Xukunkiisa.