Nin walaalkiis ka yar si arxan darro ah ugu dilay BELEDWEYNE

Wararka naga soo gaaraya gobolka Hiiraan ee bartamaha dalka ayaa sheegaya in xalay dhacdo argagax leh ay ka dhacay magaalada Beledweyne ee xarunta gobolkaasi, taas oo ay dadka deegaanka si wayn uga argagaxeen.

Dhacdada ayaa timid, kadib markii wiil kamid ah dadka deegaanka uu si arxan darro ah u dilay walaalkiis ka yar, taas oo ka dhacday xaafadda Howlwadaag ee magaaladaasi.

Marxuumka la dilay ayaa waxaa lagu magacaabi jiray Sharmaake Muuse Saxanjadiid, halka eedeysanaha dilka gaystay isna lagu magacaabo Cabdisalaan Muuse Saxanjadiid.

Qof kamid ah dadka deegaanka oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in eedeysanaha uu canaanayay marxuumka, kadibna uu soo qaatay bir, taas oo sababtay geerida Sharmaarke.

Laamaha ammaanka magaalada Beledweyne ayaa haatan wada baaris dheeraad ah oo ku aadan falkaasi iyo soo qabashada eedeysanaha, si sharciga loo horgeeyo.