Nin walaalkiis ku dilay Muqdisho

Wararka naga soo gaaraya degmada Dharkeenley gaar ahaan Waaxda Kaawo Godey ayaa waxa ay sheegayaan in nin dhalinyaro ah oo Madaxa looga jiro uu ku dilay Walaalkiis.

Sidda ay sheegeen dadka degaanka dilka wiilka waxaa uu u adeegsaday Toorreey, waxaana la sheegay in ninka Madaxa looga jiro uu kasoo baxsaday goob uu ku xirnaa.

Dilka ayaa yimid ka dib markii ninkaasi oo ku xirnaan jiray guriga Banaankiisa, Gudaha guriga soo galay, islamarkaana ay u suurtagashay in uu gacanta ku dhigo Toorrey.

Markii uu tooreyda soo qaatay, ayaa wuxuu soo galay guriga, kadibna wuxuu mindidii caloosha ka galiyay walaalkiisa, ugu dambeyna qoorta ayuu ka jaray, sida uu xaqiijiyay ruux daris la’ah guriga dhacdada ay ka dhacday.

“Ninkaan wuu xanuunsanaa muddo ayuu xirnaa Banaanka guriga ayuuna ku xirnaa, laakiin saaka afar saac ayuu meeshii uu ku xirnaa ka soo fakaday tooreyda nooca hilibka lagu qalo, ayuu soo qaatay markii uu guriga soo galay wuxuu caloosha ka galiyay walaalkiisa, kadibna qoorta ayuu kaga dhuftay tooreyda sidaas ayuuna ku dhintay.” Ayuu yiri qof ka mid ahaa dadka deegaanka.

Gacan ku dhiiglaha falka dilka gaystay  ayaa goobta ka baxsaday, waxaana dadka kunool Xaafada soo wajahday Cabsi badan,maadaama laga cabsi qabo in uu geysto dilal kale.