Nin Weerar Ku Qaaday Masjid ku yaalla New Zealand iyo dad ku Geeriyooday

Nin hubeysan ayaa Jimcaha Maanta ah waxa uu weerar ku qaaday Masjid ku yaalla magaalada Christchurch ee dalka New Zealand, isaga oo weerarkaas dad badan ku dilay kuwo kalena ku dhaawacay.

Dhacdadan ayaa la sheegay in ay ka dhacday masaajidka Al Nuur oo ku yaalla bartamaha magaalada Christchurch.

Ku dhowaad 10 ruux ayaa la xaqiijiyey inay weerarkaas ku dhinteen tiro kalena ku dhaawacmeen,waxaaana ciidamo farabadan oo boolis ah la geeyey iskuullada iyo isbitaallada magaalada Christchurch ee dalka New Zealand.

Dad goob joogayaal ah ayaa sheegay in ay orad kaga baxsadeen rasaastii dhacaysay.

Muuqaalo Baraha Bulshada lagu faafiyey ayaa muujinaya Ninka weerarka geystay oo rasaas dadka ku furaya, isaga oo muuqaal iska duubaya,waxaana taasi ay walwal ku abuurtay dad farabadan oo reer New Zealand ah.

Weli majirto cid sheegatay mas’uuliyadda weerarkaas,waxaana booliska New Zealand ay wadaan baaritaano ku aadan waxa uu ahaa Shaqsiga Masjidka weeraray, kaas oo la aaminsan yahay in uu Goobta ka baxsaday.