Nin Xaaskiisa Dilay iyo Eedeysana yaal kale oo Xukun dil ah laguriday +SAWIRO

Maxkamada Ciidamada qalabka sida ee dowlad goboleedka jubbaland ayaa Maanta waxay xukun dil ah ku fulisay saddex askari oo ku eedaysanaa fal-dambiyeedyo dil ah oo uu ku jiro Askari horay u dilay xaaskiisa.

Saddexda Askari ee Xukunka dilka ah lagu fuliyey ayaa waxa ay kala yihiin.

Cabdullaahi Asad Ismaacil oo horay u dilay xaaskiisi marxuumad Muxubo Maxamed Guure

C/rashiid Axmed Xasan oo horay u dilay Marxuum Maxamed Cabdullaahi Xirsi

Aadan Cabdi Muumin oo horay u dilay  Marxuum Cawil Colow Xasan.

Goobta uu ka dhacayay fulinta xukunka dilka toogashada ah ayaa waxaa ku sugnaa Saraakiil ka tirsan Ciidamada Dowlad goboleedka Jubbaland iyo ehelada Ciidamada dilka toogashada ah lagu fuliyey.