Ninka dadka Ku laayay New Zealand Oo La Shaaciyay Dalka Uu udhashay

Waxaa soo baxaya faah faahin dheeraad ah oo ku saabsan ninkii dadka badan oo Muslimiinta ahaa Maanta oo Jimce ah  ku laayey Masjidka Alnuur ee dalka New Zealand,kaas oo la sheegay in uu ahaa Cunsuri soo galootiga neceb.

Ninkaas ayaa waxaa lagu Magacaabaa brenton Tarrant, waxaana la sheegay in uu ka yimid dalka Australi,isaga oo xilliga uu Masjidka Alnuur weerarka ka geysanayay uu muqaalo toos Facebook ah iska duubayey.

Brenton Tarrant oo u dhashay dalka Australia ayaa qoraal uu soo dhigay Bartiisa Facebook waxa uu ku sheegay sababta uu Masjidka u weeraray in uu ku dayanayo Nin lagu Magacaabi jiray anders breivik, kaas oo 22july Sanadkii 2011 weerar ka geystay dalka Norway.

Dad la badan 50 ruux ayaa weerarkaas ku geeriyooday,waxaana  leysweeydiinayaa waxa keenay in isaga oo dad leynaya in uu soo dhigo ama live kasoo galo Facebook,waxaana Maanta uu yahay weerarkaas kan ugu hadalheynta badan sanadkaan 2019 Caalamka.