Ninkii Kadanbeeyay Weerarkii New Zealand Oo Maxkamad Ka Soo Muuqday

Ninkii  ka dambeeyey toogashadii ka dhacday New Zealand  shalay ee lagu dilay 49-ka qof oo Muslimiin ah  ayaa maxkamad la horkeenay waxaana loo haystaa hal dacwad oo ah dil.

Ninkaan oo lagu Magacaabo Brenton Tarrant, oo 28 jir ah una dhashay Australia ayaa kasoo dhex muuqday shabaqa eedaysaneyaasha asagoo xiran dharka cad cad ee maxaabiista oo jeebaysan.

Raysul Wasaaraha dalkaas Jacinda Ardern ayaa sheegtay in Mr Tarrant uu haystay afar Qori iyo rukhsad dhanka hubka ah, waxayna intaas raacisay in “sharciyada hubka wax laga baddali doono”

Labo qof oo kale ayaa xabsiga la dhigay Mana jiro qof kamid ah dadkaas xiran oo horay dambiyo u galay.

Mr Tarrant ayaa xiran wax dambi ahna ma aanu qiran, waxaana lagu wadaa in 5-ta April markale maxkamadda la horkeeno.