Hay’adda Diiwaangelinta iyo Aqoonsiga Qaranka (NIRA) ayaa sheegtay in qaadashada Kaarka Aqoonsiga Qaranka ay bilaash ahaan doonto ilaa 31ka Oktoobar 2025. Qoraal kooban oo lagu daabacay barteeda xiriirka bulshada ayay ku sheegtay in laga bilaabo taariikhdaas wixii ka dambeeya, la bilaabi doono in lacag laga qaado dadka dalbanaya kaarka.
NIRA ma aysan shaacin inta ay la egyahay lacagta la bixinayo, balse waxay ugu baaqday dadweynaha in ay ka faa’iidaystaan fursadda bilaashka ah ee weli jirta, iyaga oo is-diiwaangelin kara xarunta NIRA ee u dhow.
Sidoo kale, NIRA ayaa sheegtay in ay kormeer ku sameyneyso xarumaha si looga hortago in dad lagu qasbo bixinta lacag aan sharci ahayn. Waxa ay sidoo kale sheegtay in la diyaariyey nambar gaaban oo lagu wargelin karo haddii la arko musuq ama cabasho la xiriirta bixinta kaarka.