Nisa oo Dishay Horjoogayaal Katirsan Kooxda A,S.

Ciidamada Hay’adda Nabad-sugidda iyo Sirdoonka Qaranka ee NISA oo kaashanayaa saaxibada caalamiga ah ayaa maanta howlgal culus ka sameeyay qaybo kamid ah gobolka Shabeelaha Dhexe ee maamulka HirShabelle.

Howlgalka oo ka dhacay duleedka degmada Mahadaay ayaa waxaa lagu beegsaday xubno ka tirsanaa kooxda oo ku sugnaayaa deegaanka Fiidow ee gobolka Shabeelaha Dhexe,

Warsaxaafadeed kasoo baxay dowladda Soomaaliya ayaa waxaa lagu sheegay in howlgalkaasi lagu dilay illaaa 7 xubnood oo ay ku jiraan horjoogayaal sar sare.

Sidoo kale waxaa lasii raaciyay “Dhagar qabayaasha lagu dilay howlgalkaan ayaa waxaa ka mid ahaa Saddex horjooge oo kala ahaa:-

  1. Cabdiraxmaan Dheere oo hadda khawaarijta u qaabilsanaa weerarada gaadmada ah ee kooxdu ka gaysato gobolka Shabeellaha Dhexe.
  2. Horjooge Mucaad oo asna ka tirsanaa isla qaybta weerada Khawaarijta ay ka gaystaan gobalka Shabeellaha Dhexe.
  3. Horjooge Cabdirisaaq Muuse Khaliif oo ahaa ku xigeenka Horjoogaha baadda iyo boobka shacabka ee ay ugu yerraan Sakawaadka.

Wararkii ugu dambeeyay ayaa sidoo kale sheegaya in weli howlgalka uu sii socdo, isla markaana dhaq-dhaqaaq xoogleh laga dareemayo dhulka hawdka ah ee Mahadaay.