Ciidanka Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka (NISA) ayaa hawlgal qorsheysan oo si taxaddar leh loo fuliyay ku gacanta ku dhigay shabakad argagixiso oo isku xiran, kana kooban ilaa shan (5) xubnood, kuwaas oo qorsheynayay in ay si qarsoodi ah ku soo galaan magaalada Muqdisho, si ay u fuliyaan falal lid ku ah amniga iyo xasilloonida caasimadda.
Sirdoonka Qaranka oo si dhow ula socday dhaqdhaqaaqyada shabakaddan iyo dhagaraha ay maleegayeen, ayaa ku guuleystay in uu fashiliyo qorshahooda halista ahaa, isagoo hawlgalkaas ku soo qabtay noocyo kala duwan oo qaraxyo ah, hub iyo gaadiid, kuwaas oo ay damacsanaayeen in ay u adeegsadaan falal argagixiso oo waxyeello u geysan lahaa shacabka iyo hantidooda.
Shabakaddan oo ka tirsan maleeshiyaadka Khawaarijta ayaa hadda lagu hayaa gacanta hay’adaha amniga, waxaana loo gudbin doonaa hay’adaha caddaaladda ee dalka si loo marsiiyo sharciga, loogana qaado tallaabooyin waafaqsan dastuurka iyo shuruucda dalka u degsan.
Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka (NISA) ayaa mar kale adkaynaysa go’aankeeda ku aaddan ciribtirka Khawaarijta iyo sugidda amniga guud ee dalka, gaar ahaan caasimadda Muqdisho. Sidoo kale, NISA waxay uga mahadcelinaysaa muwaadiniinta Soomaaliyeed wada shaqeynta joogtada ah, feejignaanta iyo taageerada ay la garab taagan yihiin ciidamada amniga, kuwaas oo mar walba u taagan difaaca shacabka, diinta, dalka iyo dowladnimada Soomaaliya.