NISA oo joojisay shir Muqdisho uga socdey mid kamaid ah beelaha soomaaliyeed.

Ciidamo ka tirsan Nabad Sugidda gobalka Banaadir ayaa joojiyey Shir bulshada Beesha Degta shabeelada dhexe ee degta Dowlad gobaleedka Hirshabelle uga socday Hotel Maa’ida ee magaalada Muqdisho.
Ciidamada NISA ayaa hoolka shirka gudaha u galay kadibna kasoo saaray dadkii shirka u socday, ayagoo wariyaashi u joogay tebinta shirka qol gooni ah ku xareeyey si aysan u tebin joojinta shirka Beesha ee degta Hirshabelle.
Guddiga qaban qaabiyaasha shirka ayaa Risaala u xaqiijiyey in Taliyaha Nabad Sugidda gobalka Banaadir Muxudiin Warbac oo amray in la joojiyo shirkaas iyo guddigooda uu shir u socdo, wixi kasoo baxana ay saxaafadda la wadaagi doonaan haddii aan shirkooda loo ogolaan.
Dhacdadaan ayaa imaanaysa xilli maalmo ka hor dhallinyaro iyo odayaal kasoo jeeda Soomaaliland sidaan oo kale looga joojiyey shir uga socday Muqdisho oo ay uga hadlayeen cabashada dhallinyaro ay sheegeen in lagu jir-dilayo xarunta CID oo hore xildhibaanno ka tirsan Baarlamaanka u caddeeyeen inay soo arkeen dhaawacyo loo geystay dhallinyarada u xiran dowladda.