War kasoo baxay Hay’adda Nabadsugida iyo Sirdoonka Soomaaliya ee NISA ayaa waxaa lagu shaaciyey in Ciidamada ammaanka howlgal ay ka sameeyeen degmada shibis ee gobolkan Banaadir lagu soo qabtay Xubin ka tirsan ururka Al-Shabaab,isla markaana dilal ka geysan jiray degmooyin ka tirsan gobolkan Banaadir.
“Ciidanka amniga ayaa gacanta kusoo dhigay Xubin Amniyaatka Alshabaab ah oo ku sugnaa degmada Shibis. Eedaysanahan oo ka howlgali jiray degmooyinka Yaaqshid & Heliwaa ayaa lagu tuhmayaa inuu ka danbeeyay dilal qorshaysan oo dad shacab ah loo gaystay ayuu lagu yiri War kasoo baxay NISA.
Nisa ma shaacin Magaca Shaqsiga ay sheegeen inay qabteen,sidoo kalena masoo bandhigin Sawirkiisa, hayeeshee howlgalka ayaa waxa uu ka dhacay Xaafad ka tirsan degmada shibis ee gobolkan Banaadir.
Hay’adda Nabadsugida iyo Sirdoonka Soomaaliya ee NISA ayaa bilihii u dambeysay howlgallada ay ka fuliso Magalada Muqdisho iyo gobolada dalka soomaaliya waxa ay kusoo bandhigtaa Baraha Bulshada, iyada oo ilaa iyo hadda aysan jirin wax Warbaahinta loo soo bandhigay.