NISA oo sheegtay in ay qabatay nin ka mid ah raggii ka dambeeyay weerarkii Hotel Saxafi

Hey’adda Nabadsugida iyo Sirdoonka Qaranka ayaa sheegtay in howlgal xirfadeysan oo si taxadar leh loo fuliyay lagu soo qabtay mid ka mid ah raggii ka dambeeyay weerarkii lagu qaaday Hotelka Saxafi 9-kii bishan November.

Hawlgalkan ayaa inta uu socday waxaanan jirin cid wax ku noqotay, Ninka la soo qabtay ayaa waxa la geeyay mid ka mid ah xarumaha baarista ee ciidanka dowladda federaalka.

Ninkaan la soo qabtay lama soo bandhigin sidoo kalena lama hayo magaciisa, balse Taliska NISA ayaa shaaciyay in la qabtay, hadana ay ku jiro gacanta dowladda, Sharcigana la horkeyn doono.

Weerarkii Hotelka Saxafi oo dhacay 9-kii bishan November ayaa waxaa ku dhintay ku dhowaad 50-meeyo ruux, halka boqol kalena ay ku dhaawacmeen, weerarkaas waxaa u ahaa kii u horeeyay ee noociisa qaraxyo xiriir ah ku bilowda.

Ciidamada ammaanka ayaa hawlgalo qorsheysan habeenada qaar ka sameeya degmooyin ka mid ah gobolka Banaadir.