Nisa Oo Sheegtay in Ay Qabteen Sargaal katirsan Alshabaab

War ka soo baxay Hay’adda Nabadsugida Soomaaliya ayaa waxaa lagu sheegay in Ciidamada Amniga oo howlgal qorsheysan ay ku soo qabteen  sarkaal ka tirsan dagaalamayaasha Al-Shabaab.

Qoraal la soo dhigay Barta twitter-ka ee Hay’adda NISA ayaa waxaa lagu sheegay in howlgal ay Ciidamada Ammanaka Soomaaliya ka sameeyeen deegaanka Dugule oo u dhow degmada toora toorow lagu soo qabtay Sarkaal Shabaab u qaabilsanaa arruurunta lacagaha Zakawaadka loo yaqaano.

“Ciidanka amniga ayaa habeynimadii 5ta Janaayo ee sanadkan, howlgal qorshaysan ku qaaday saldhig ay Alshabab ku leeyihiin deegaanka Dugule. Saldhigooda waa la burburiyay, howlwadeen dadka xoolo baad ah ka qaadi jirayna gacanta ayaa lagu soo dhigay ayuu agi yiri War kasoo baxay NISA.

NISA mashaacin Magaca Shaqsiga ay sheegeen inay soo qabteen,hayeeshee Maalmihii la soo dhaafay ayaa Taliska Hay’adda Nabadsugida Soomaaliya waxa ay shaacinayeen inay fuliyeen howlgallo lagu soo qabtay xubno ka tirsan Al-Shabaab iyo Daacish.

NISA@HSNQ_NISA

Ciidanka amniga ayaa habeynimadii 5ta Janaayo ee sanadkan, howlgal qorshaysan ku qaaday saldhig ay Alshabab ku leeyihiin deegaanka Dugule. Saldhigooda waa la burburiyay, howlwadeen dadka xoolo baad ah ka qaadi jirayna gacanta ayaa lagu soo dhigay