Taliska ciidanka Nabad Sugidda iyo Sirdoonka Qaranka ee NISA ayaa wuxuu sheegay inuu gacanta ku dhigay Hub ay leeyihiin Al-Shabaab ka dib markii ay howlgal ka fuliyeen degaanka Forsooleey ee gobolka Shabeellaha Hoose.
War kasoo baxay taliska NISA ayaa lagu sheegay in sidoo kale ay Ciidanka Burburiyeen goobo Al-Shabaab ay dadka uga qaadi jireen Zakawaad.
Howlgalkaan ayaa waxaa daba socday duqeyn lala eegtay dagaalyahanada Al-Shabaab ee ku sugan Shabeellaha Hoose.