Ciidanka Hay’adda Sirdoonka iyo Nabad Sugida Qaranka ee NISA ayaa gacanta ku dhigay Shabkad ka kooban Shan xubnood oo waday falal liddi ku ah ammaanka guud.
Shabakadaan ayaa la sheegay in ay ahaayeen kuwa ku howlanaa in ay falal amni darro ah ka gaystaan magaalada Muqdisho.
Sidoo kale, Sirdoonka Qaranka oo haayay xogta Shabakadaan ayaa ku guulaystay inuu mid mid u soo qabto, waxaana sidoo kale shabakadaan lagu qabtay Hub iyo Qaraxyo Al-shabaab ay u qorsheeyeen inay ku dhibaateeyaan Shacabka Muqdisho.
Dowladda Soomaaliya ayaa wadday dedaallo ay ku baadi goobeyso in ay gacanta ku soo dhigaan, shakhsiiyaadka ku hawlan falalka liddi ku ah ammaanka iyo dhibaateynta shacabka Soomaaliyeed ee nool magaalada Muqdisho.