Hay,adda Nabadsugidda iyo Sirdoonka Qaranka (NISA) ayaa shaacisay in ay fuliyeen howlgal duqeymo ah oo ka dhacay gobolka Galgaduud, Dowlad-Goboleedka Galmudug, kaas oo lagu bartilmaameedsaday xubno ka tirsan kooxda Al-Shabaab.
Howlgalkan oo sida gaarka ah looga fuliyay deegaanka Ceel Dhiiqo Weyne, oo u dhexeeya deegaannada Ceel-Lahelay iyo Ceel-Garas, ayaa lagu dilay 12 xubnood, halka 13 kale lagu dhaawacay, sida lagu sheegay qoraal kasoo baxay NISA.
Hay’addu waxay intaas ku dartay in ujeedadii howlgalka si buuxda loo gaaray, iyadoo xubno kale oo Al-Shabaab ah oo goobta ku sugnaa ay u baxsadeen dhanka degmada Ceelbuur ee gobolka Galgaduud, oo weli ka mid ah meelaha kooxda ay ku xoogan tahay.
Duqeymahan ayaa qeyb ka ah howlgal ballaaran oo ciidamada qaranka iyo saaxiibada caalamiga ah ay ka wadaan deegaannada ay ku dhuumaaleysadaan Al-Shabaab, waxaana diyaaradaha dagaalka ee Soomaaliya iyo kuwa Maraykanka horay uga fuliyay howlgallo noocan oo kale ah gobollada Galmudug, Hirshabeelle, Koonfur Galbeed, Jubbaland iyo Puntland, iyadoo marar badan lagu dilay xubno sar sare iyo maleeshiyaad ka tirsan kooxda.