NISA oo xabsiga dhigtay gudoomiyihii hore ee degmada dharkeenlay.

Hay’adda Nabadsugidda & Sirdoonka Qaranka Soomaaliyeed ee NISA ayaa sheegtay in ay gacanta ku dhigtay Guddoomiyihii hore ee Degmada Dharkaynlay Abuukar Axmed Caddow Tifoow oo ku eedaysan in uu katirsan yahay ‘AS’.

Qoraal lagu daabacay Barta Hay’adda NISA ayaa lagu sheegay in Abuukar uu ku dhex dhuumaalaysanayay Degmada uu Guddoomiyaha mar kasoo noqday ee Dharkaynlay balse ugu dambayn ay gacanta kusoo dhigeen sida qoraalka loo dhigay.

Abuukar waxa uu xilka Guddoomiye ku xigeenka Amniga iyo Siyaasadda Degmada Wadajir noqday 2015 ilaa 2019 halka Guddoomiyaha Degmada Dharkaynlay hayay intii u dhaxaysay 2019 ilaa 2020 sida lagu muujiyay qoraalka Hay’adda Sirdoonka ee NISA.

Tifoow ayaa ku eedaysan in isaga oo haya xilka loo magacaabay uu la shaqaynayay ‘AS’ Isla markaana u fududaynayay kalalka amniga liddiga ku ah ee ka dhacay Magaalada Muqdisho sida ay sheegtay Hay’adda NISA ee xogtaan baahisay.

Sirdoonka Soomaaliya ayaa soo bandhigay macluumaad muujinaya waqtiga uu Abuukar Axmed Caddow uu billaabay la shaqaynta ‘AS’ taas oo ah 2013 ilaa 2014 halka uu tababar dhinaca sirdoonka ah uu kusoo qaatay Caasimadda Koofur Galbeed ee Baraawe Gobolka Shabeelaha Hoose.

Hay’adda Nabadsugidda iyo Sirdoonka Qaranka Soomaaliyeed ee NISA ayaa muddooyinkii u dambeeyay ku raad-joogtay mas’uuliyiin katirsan Dowladda Federaalka oo lagu tuhmayo in ay la shaqeeyaan ‘AS’ iyaga oo la wadaaga Xogta Dowladda u qarsoon sida hadalka loo dhigay.