Nuxurka khudbadii uu jeediyay Axmed Madoobe

Magalada Kismaayo gaar ahaan hoolka doorashada waxaa Maanta lagu qabtay kulan ay khudbadahooda ku jeediyeen  musharaxiiinta u taagan qabashada xilka Madaxweynaha Dowlad goboleedka Jubbaland.

Ilaa Afar Musharax ayaa Maanta jeediyay khudbadahooda musharaxnimo oo mid ka mid ah ay haweeney tahay,waxaana Xarunta goobjoog ka ahaa inta badan Xildhibaannada Cusub ee Baarlamaanka labaad ee Jubbaland.

Musharixiinta Maanta Khudbadahooda jeediyay ayaa waxaa ay kala ahaayeen  Axmed Maxamed Islaam oo ah Madaxweynaha Jubbaland oo waqtiga xilheyntiisa ay dhamaatay iyo Canab Maxamed Daahir, Maxamed Cumar Geedi iyo Maxamuud Maxamed Cumar.

Madaxweynaha waqtiga xilheyntiisa ay dhamaatay ee Axmed Madoobe ayaa sheegay in intii uu xilka hayay uu dhisay ciidamo cudud leh oo xoogan,kuwaas oo la dagaalami kara ururka Al-Shabaab, iyada oo aan cidna ka caawin.

Musharax Maxamed Cumar Geedi oo ka mid ah musharixiinta khudbadahooda jeediyay ayaa dhankiisa sheegay in hadii uu guuleysto uu jubbaland  gaarsiin doonanidaamka Axsaabta badan si shacabka ay u doortaan qofka ay doonayaan.

Canab Maxamed Daahir oo ah musharaxa kaliya ee Haweenka ah una taagan qabashada xilka Madaxweynaha Jubbaland ayaa dhankeeda sheegtay hadii ay guuleysato ay  ka shaqayn doonta arrimaha dib u heshiisiinta dadka Soomaaliyeed.

Musharrax Maxamuud Muxumed Cumar (Kuuloow) oo ahaa musharixii ugu dambeeyay ee khudbadda jeediyay ayaa sheegay in dadaal badan uu ku bixin doono wax u qabashada dadka Reer Jubbaland,isla markaana uu ka mid ahaa dadka dowladnimada Soomaaliya kazoo Shaqeeyay.