Oday dhaqameed lagu dilay Afgooye

Kooxo hubeysan ayaa xalay Degmada Afgooye ee Gobolka Shabeellaha Hoose ku dilay Nin la sheegay in uu ahaa Oday Dhaqameed Caan ahaa.

Dad goobjoogayaal ah oo la hadlay Idaacada Dalsan ee Magaalada Muqdisho ayaa u sheegay in kooxo ku hubeysnaa Bastoolado ay toogteen Ninka Odeyga ahaa,isagoona u geeriyooday dhowr xabadood oo looga dhuftay qeybaha sare ee Jirkiisa.

Sidoo kale Marxuumka la dilay ayaa lagu magacaabi jiray Xasan Yuusuf Baani,isla markaana waxaa uu falkaas ka dhacay meel ku dhow hoygiisa oo ku yaall tuulada lagu magacaabo Sagaalaadka.

Wararka  ayaa intaasi waxaa ay ku darayaan in Xasan Yuusuf Baani uu mar soo noqday Guddoomiyaha deegaanka Sagaalaad ee Degmada Afgooye ee Gobolka Shabeellaha Hooe.

Kooxihii ka dambeeyay dilkaas ayaa waxaa goobta si deg deg ah ugu baxsaday Mooto nooca Soomaalida u taqaano laba lugaaleyda oo wateen,isla markaana waxaa halkaasi gaaray Ciidamo ka tirsan kuwa Maamulka Degmada Afgooye oo goobta ka qaaday Meydka.

Howlgalka ayaa Ciidamada xalay waxaa ay ka sameeyeen deegaanka Sagaalaadka,kaasi oo lagu raadinayay ragii fuliyay dilka loo geystay Xasan Yuusuf,hayeeshee ma jirto cid loo soo qabtay falka.

Degmada Afgooye ee Gobolka Shabeellaha Hoose ayaa mararka qaar waxaa ka dhaca falal amni darro oo ay geystaan ragg dhalinyaro ah oo ku hubeysan Bastoolado,waxaana Mas’uuliyadooda sheegtay Al-shabaab falalkaas.