Odayaasha dhaqanka Jigjiga oo kulan laqaatay Saraakiil kasocota itoobiya

Sidda ay sheegeen qaar ka mid ah waxgaradka kunool Magaalada Jigjiga waxaa  maanta kulan isugu yimid odayaasha dhaqanka iyo wafdi saraakiil sare ah oo ka soo duulay magaalada Addis ababa.

Kulanka wuxuu dhex maray Jeneraal Xasan Ibraahim oo wasaaradda difaaca ee Itoobiya u qaabilsan sirdoonka, iyo taliyaha milateriga ee bariga Itoobiya Jeneraal Balaay Sayuu oo dhinac ah, iyo Odayaasha dhaqanka.

Kulankaan waxaa diiradda lagu saaray Arrimo amniga u badan iyo rabshadihii todobaadkii hore dhacay Magaalada Jigjiga.

Waxaa sidoo kale ay sheegeen in saraakiishu  iyo odayaasha u sheegeen in ujeedada ciidanka ay u soo farageliyeen arrimaha kililka ay tahay sidii xaaladda loo dejin lahaa.

Waxay kaloo intaa ku dareen “in aan loo dulqaadan doonin”, waa sida ay hadalka u dhigeene, “in cid ay hub qaadato oo dibadda ay u baxdo”.

“Waxa dadkaas ku dhacay waa wax annaga nagu dhacay, waxaan u sheegaynaa in ay is dejiyaan, ayaguna way qaateen” Sidaas waxaa BBC u sheegay Garaad Kulmiye Garaad Maxamed Garaad Dool oo ka mid ah odayaasha dhaqanka ee saraakiisha la kulmay.

Kulanka waxaa fadhiyey madaxweyne ku xigeenka cusub, Xamdi Aadan Cabdi, oo ku sime u ah madaxweynaha dhawaantan la doortay ee DDSI, Axmed Cabdi Sh. Maxamed.