fbpx
Home Wararka Maanta Odayaasha dhaqanka Koonfur Galbeed oo dib u dhigay doorashadda Madaxweynaha

Odayaasha dhaqanka Koonfur Galbeed oo dib u dhigay doorashadda Madaxweynaha

Bayaan ay soo saareen Golaha Odayaasha dhaqanka Koofur Galbeed waxay ku dhawaaqeen in dib loo dhigay Doorashada Madaxweynaha Koofur Galbeed .

Doorashadda ayaa lagu balansanaa 17-ka bishan November ka dhacdo Baydhabo ee Caasimadda KMG ah ee maamulka Koonfur Galbeed.

Odayaasha waxay ku eedeeyeen dowladda Federaalka inay faragelin ku heyso doorashada, lana safatay Musharaxiin gaar ah, iyagoo dhaqaale iyo gawaari aan xabadaha karin siisay.

Sidoo kalena Xildhibaanada Koofur Galbeed u daabushay Muqdisho, si looga dhaadhiciyo Musharax la wato inay u doortaan.