Odoyaal dhaqameed ka socda Dowlad-Deegaanka Soomaalida oo Hargaysa u tagay xal u raadinta xiisadda Boorama.

Odayaal dhaqameed ka socda Dowlad-Deegaanka Soomaalida ayaa tegay magaalada Hargeysa si ay uga qeyb qaataan dejinta xiisadda ka taagan Boorama, taasoo ka dhalatay buugga Xeer Ciise ee muranka dhaliyay.

Waxgaradkan ayaa la kulmaya odayaasha dhaqanka ee Somaliland si ay ula wadaagaan tallooyin lagu xoojinayo dadaallada nabadaynta iyo xal u helista rabshadihii sababay khasaare dhimasho iyo dhaawac ah.

Odayaashan ayaa horey uga qeyb qaatay xal u raadinta colaaddii Laascaanood, iyagoo markaas la kulmay dhiggooda si ay nabad u soo dabaalaan.