Odoyaal dhaqameed Sarakiil Ciidan ku Eedeyay in Ay dhul kaboobeen

Kadib kulan ay Magaalada Muqdisho ku yeesheen Odayaal iyo Haween ayaa waxaa ay sheegeen in dhul ay leyihiin ay boob ku hayaan Saraakiil Ciidan iyo mas’uuliyiin kale,kaas oo ku yaalla Xaafada Waracadde oo ka trsan degmada Hiliwaa ee Gobolkan Banaadir.

Waxaa ay sheegeen in dhulkaasi ay heystaan sharciga cadeynaya inay iyagu leeyihiin,balse ay dhulkaasi isku soo baheysteen inay si awood ah ku qaataan Mas’uuliyin ka tirsan Maamulka Gobolka Banaadir iyo Saraakiil Ciidan.

Qaar kamid ah dadka cabanaya oo Warbaahinta la hadlay ayaa waxaa ay sharaxaad ka bixiyeen heerarka kala duwan oo ay u soo mareen sidii ay dhulkooda ku badbaadin lahaayeen,waxaana Madaxda Dowladda ka codsadeen inay arrintaan soo farageliyaan.