Olivier Giroud Oo Shaaca Ka Qaaday Halka Arrin Ee Uusan Ku Faraxsaneyn Tan Iyo Imaatinkiisa Garoonka Stamford Bridge.

Weeraryahanka dhawaangalka ah ee Chelsea Olivier Giroud ayaa shaaca ka qaaday inuu ku faraxsan yahay imaatinkiisa garoonka Stamford Bridge, balse ay jirin hal arrin oo ussan la dhicin, waana inuu shabaqa dariska la noqon waayay.

Weeraryahanka reer France ayaa bishii January kusoo biiray Chelsea isagoo kasoo hayaamay Arsenal isagoo dhamaan tartamada oo dhan u dhaliyay 105-gool, balse dhibaatada ugu badan ee ka heysata xidigaan galbeedka London waa inuu noqon waayay mid mar walba shabaqa soo taabta.

Kaliya hal gool ayuu dhaliyay Olivier Giroud isagoo sideed kulan u saftay kooxdiisa, kaliya goolka uu dhaliyay wuxuu shabaqa soo taabtay kulan ay 4-0 kaga badiyeen Hull City kulan ka tirsan FA Cup.

 

Olivier Giroud oo ku sugan France ayaa la hadlay L’Euipe isagoo shaaca ka qaaday halka arrin ee ku dhiban yahay tan iyo markii uu yimid Stamford Bridge.

“Waan ku faraxsanahay la qabsiga, soo dhaweynta aan helay iyo xiriirka aan ciyaartoyda kula leeyahay garoonka dhexdiisa” ayuu yiri Olivier Giroud.

“Balse waa inaan goolal badan dhaliyo”

“Waan hubaa ineysan igu filneyn, balse waqti waan sameyn doonaa”