ONLF oo war ka soo saartay sii deynta C/kariin Qalbi-dhagax

Ururka ONLF ayaa markii ugu horeysay ka hadlay sii deynta Sarkaalka ka tirsan Jabahadda ONLF ee lagu magacaabo C/kariin Sheekh Muuse (Qalbi-dhagax), kaasi oo bishii September 2017-kii dowladda Soomaaliya ay ku wareejisay Itoobiya kadib markii lagu eedeeyay ka mid ahaanshiyaha ururada Argagixiso.

Afhayeenka Ururka ONLF Cabdiqaadir Xasan Hirmooge Caddaani oo la hadlay VOA-da ayaa wuxuu sheegay in C/kariin uu ahaa siyaasi u xirnaa Itoobiya, hadana uusan u qalmin in kolba meel lagu qariyo, muhiimna ay tahay in xoriyad dhameystiran la siiyo marba haddii la sii daayay.

Wuxuu sheegay in labaatan maallmood kahor laga sii daayay xabsiga oo lagu hayay xaafad, maxbuusna uusan aheyn sidoo kalena uusan xoriyad heysan, midaasina ay tahay wax aad looga xumaado.

“C/kariin wuxuu ahaa siyaasi u xirnaa dowladda Itoobiya, in odayaal uu magan u ahaado ma ahan, in sii deyn iyo heyn uu u dhaxeeyo arrimahaasi waa wax ka baxsan nidaamka maxaabiista, labaatan maallmood kahor ayaa laga sii daayay xabsiga oo lagu hayay xaafad, C/kariin waa inuu helaa xoriyadiisa siyaasiga ah.” Ayuu yiri Afhayeen Hirmooge.

Wuxuu sheegay inay doonayaan C/kariin in la geeyo meel uu ammaan ku helayo oo reerkiisa uu waqti kula qaadan karo, isaga oo sidoo kale tilmaamay inaanay markale dooneyn in (Qalbi-dhagax) uu ku laabto Soomaaliya oo uu tilmaamay in markii horeba ay iibsatay dowladda.

Baraha bulshada ayaa tan iyo shalay waxaa la soo gelinayay sawiro C/kariin uu xiran yahay dhar cusub oo la taagan dad odayaal ah oo ehelkiisa ah bartamaha magaalada Addis-ababa, kuwaasi oo uu galay markii la sii daayay kadib, farxad iyo dhoola cadeynna ay ka muuqatay.