oolhaye Thibaut Courtois Oo Qiray Inuu Qalad Ku Lahaa Goolasha Lionel Messi, Balse Muxuu Ka Yiri Goolka Koowaad?

Goolhaye Thiabut Courtois ayaa qirtay inuu qalad ku lahaa labada gool ee uu Lionel Messi ka dhaliyay Chelsea xilli hadla heynta iyo masuuliyadda guuldaradda ay xidigaan dushiisa ahaatay maadaama uu ku fashilmay inuu shabaqiisa difaacdo.

Weeraryahanka Barcelona wuxuu gaaray 100-gool koobka Champions League, isagoo ku helay darajadaas kulamo, daqiiqado iyo da’ ka yar Crisstiano Ronaldo kaas oo ah kan ugu sareeya tartankaan.

Goolka hore ee Messi ayuu ku muteystay Thibaut Courtois in lagu eedeeyo maadama ay aheyd kubad daciif ah taasoo ka timid lugta midig ee xiddiga reer Argentina.

 

Si kastaba goolhayaha wadanka Belgium wuxuu ka dhawaajiyay inuusan filaneynin in Messi uu kubadaas dhankiisa usoo tuuri doono.

“Wax rajo ah kama qabin i darbo ay iiga imaaneyso Lionel Messi, waxaan ahaa mid ka daahay inuu isku dhaweeyo lugaha, waana qeybta aan qaladka ku leeyahay” ayuu yiri goolhaye Thibaut Courtois.

“Maahan wax wanaagsan inaad habeen ku bilaabato sidaan”

“Goolhayaha aniga oo kale ah oo u jira kubadda laba mitir, waxyaabaha iigu daciifsan waa lugaheyga”

“Xitaa hadii aan taagnaan lahaa boos caadi ah, waxaa jiray firaaqo badan oo noo dhaxeysa, waa wax dhib badan balse uma maleynayo inaan ku qasbanahay inaan dhuunto