oomaaliya oo Ka Qeyb Gashay Shirweynaha 34-aad ee FAO Afrika ee Mauritaaniya

Masuuliyiin ka tirsan Wasaaradda Beeraha iyo Waraabka ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa ka qeyb galay shirweynaha 34-aad ee Hay’adda Cuntada iyo Beeraha Qaramada Midoobay (FAO) ee gobolka Afrika, kaas oo si heer sare ah loogu qabtay dalka Mauritaaniya. Shirkan ayaa ahaa mid heer gobol ah oo ay isugu yimaadeen wakiillo iyo khubaro ka kala socday dalalka Afrika, si looga wada hadlo arrimo la xiriira horumarinta nidaamyada cuntada, biyaha iyo beeraha ee qaaradda.

Wafdiga Soomaaliya waxaa hoggaaminayay Dr. Cabdilaahi Xuseen, Agaasimaha Qorsheynta, Siyaasadda iyo Cilmi-baarista ee Wasaaradda Beeraha XFS, kaas oo shirka ka dhex matalayay dalka Soomaaliya, isla markaana ka qeyb qaatay doodaha iyo kulamada muhiimka ah ee lagu falanqeeyay mustaqbalka sugnaanta cuntada iyo horumarinta waaxda beeraha.

Shirka ayaa si gaar ah diiradda loogu saaray saadaasha mustaqbalka ee isbeddelka nidaamyada cuntada iyo biyaha ee Afrika, iyadoo laga dooday saameynta isbeddelka cimilada, kororka tirada dadka iyo baahida sii kordheysa ee cuntada. Waxaa la isla gartay in loo baahan yahay qorshayaal istiraatiiji ah oo waara oo lagu xoojinayo wax-soo-saarka beeraha si loo daboolo baahida cuntada ee sii kordheysa.

Sidoo kale, waxaa si qoto dheer looga hadlay qorshayaal maalgashi oo lagu horumarinayo waaxda beeraha, biyaha iyo kheyraadka dabiiciga ah, si loo kordhiyo wax-soo-saarka gudaha dalalka Afrika loona yareeyo ku tiirsanaanta gargaarka cuntada ee dibadda. Waxaa la adkeeyay muhiimadda ay leedahay in la dhiirrigeliyo maalgashiga gaarka loo leeyahay iyo ka qaybgalka bulshada ee horumarinta beeraha.

Intii uu shirka socday, waxaa sidoo kale xoogga la saaray xoojinta iskaashiga dhexmara dowladaha Afrika, si loo wadaago aqoonta, teknoolojiyadda casriga ah iyo khibradaha la xiriira beeraha iyo sugnaanta cuntada. Waxaa la isku raacay in iskaashi heer gobol ah uu yahay furaha lagu gaari karo horumar waara oo dhinacyadan ah.

Shirka ayaa lagu soo bandhigay muhiimadda ay leedahay horumarinta iyo hirgelinta kaabayaasha aasaasiga ah ee nolosha bini’aadamka, gaar ahaan kuwa la xiriira biyaha, waraabka, kaydinta cuntada iyo suuqgeynta wax-soo-saarka beeraha. Waxaa la xusay in kaabayaashaasi ay yihiin tiir muhiim ah oo lagu yareyn karo caqabadaha horumarineed ee ka jira qaaradda Afrika.

Ugu dambeyn, ka qeyb galayaasha shirweynaha 34-aad ee FAO Afrika ayaa ku baaqay in la sii xoojiyo iskaashiga caalamiga ah iyo midka gobolka, si loo xaqiijiyo sugnaanta cuntada, kor u qaadista wax-soo-saarka beeraha iyo la dagaallanka gaajada iyo saboolnimada. Wafdiga Soomaaliya ayaa kulankan ka soo qaatay talooyin iyo fursado muhiim ah oo lagu horumarin karo waaxda beeraha dalka.