Paris Saint-Germain Oo Hal Xaalad Kaga Iibineysa Real Madrid Laacibkeeda Reer Brazil Ee Neymar Jr Xili Ciyaareedka Soo Aadan

Wargeyska “AS” ee dalka Spain ayaa wuxuu shaaca ka qaaday in Real Madrid ay weydiisatay suurtogalnimada ay kula soo saxiixan karto xidiga reer Brazil ee Neymar Jr inta uu furan yahay suuqa kala iibsiga soo aadan ee furmi doono dhamaadka xili ciyaareedkan.

Neymar ayaa kaga tagay Barcelona heshiis muran dhaliyay ee ku kacay aduun dhan 222 milyan oo euros oo ay Paris Saint-Germain ku ku bixisay si ay u kansasho heshiiskiisa garoonka Cump Nou. Laakiin Real Madrid ayaa aaminsan in ciyaaryahanka uu xiiseenayo imaatinka garoonka Santiago Bernabeu xili ciyaareedka soo aadan.

 

Wargeyska ayaa sheegay in Neymar uu si cad u sheegay inuu doonayo in uu heshiis la gaaro kooxda Real Madrid, waxa ugu muhiimsan ayaana ah hadalkii uu la yeeshay xidigaha Cristiano Ronaldo iyo Sergio Ramos intii lagu jiray kulankii lugta hore wareega 16-ka tartanka  Champions League-ga ay ku wada ciyaareen kooxaha Real Madrid iyo St. Germain.

Madaxwaynaha kooxda Paris Saint-Germain Nasser Al-Khelaifi ayaa ku dhawaaqay in ka badan hal jeer in uusan dooneynin in Neymar Jr uu kooxda ka dhaqaaqo xili ciyaareedka soo aadan, laakiin wargeyska AS ayaa aaminsan in 400 milyan oo euros ay ka dhigi doonto in maamulka kooxda PSG ay ka dhigi doonto inay dhageystaan dalabyada kaga imaanaya kooxda Real Madrid.

Wargeyska ayaa intaa hadalkiisa kusii daray in madaxda Real Madrid ay la kulmeen aabaha iyo wakiilka ciyaaryahanka isbuucii hore, waxayna ku wargaliyeen inay doonayaan in Neymar Jr ay kula soo saxiixdaan aduun dhan 400 milyan oo ginni.

Madaxweynaha kooxda Real Madrid Florentino Perez ayaa si maldahan u sheegay inay suurtagal tahay inuu lasoo wareego Neymar Jr, wuxuuna  carabka ku adkeeyay inuu ku heli doono Real Madrid fkursad uu ugu guuleysan karo abaal marinta Ballon d’Or in ka badan kooxda Paris Saint-Germain.