Philippe Coutinho Oo Qeyb Kasoo Noqday Xidigaha U Ololeenaya In Neymar Jr Uu Dib Ugu Soo Laabto Kooxda Barcelona Xili Ciyaareedka Soo Aadan.

Laacibka reer Brazil ee Philippe Coutinho ayaa wuxuu qeyb kasoo noqday xidigaha taageersan dib ugu soo laabashada markale laacibka reer Brazil iyo kooxda Paris St Germain ee Neymar Jr kooxdiisii hore ee Barcelona.

Neymar Jr ayaa u dhaqaaqay kooxda Paris St Germain xagaagii lasoo dhaafay kadib markii uu ugu dhaqaaqay heshiis lagu qiyaasay 222 milyan euro, waana kiimaha lagu kansalay heshiiskii uu ku joogay garoonka caalamiga ah ee Cump Nou.

Laacibka reer Brazil ayaa u muuqda mid si weyn uga qoomameenayo ka bixistiisii kooxda reer Catalonia. Iyadoo ay jiraan warar ku aadan inuu xiiseenayo in markale uu dib u soo laabto, halka sidoo kale uu jiro warar sheegaya in labada xidig ee  Luis Suarez iyo Lionel Messi ay xiiseenayaan in saaxiibkood hore ee reer Brazil uu markale dib ugu soo laabto garoonka Cump Nou.

Dhinaca kale Ivan Rakatic ayaa ka mid ah xidigaha ku sugan kooxda Barcelona ee ku fikiraya in Neymar Jr uu dib ugu soo laabto kooxda, balse sheekada xiisaha badan ayaa ah in Philippe Coutinho uu isna qeyb kasoo noqday wuxuuna wareysi uu bixiyay ku sheegay: “Neymar waa laacib weyn, waxaan si wada jir uga wada ciyaarnaa xulka qaranka Brazil, xili kasta wuxuu bixiyaa qaab ciyaareed aad u wanaagsan”.

Coutinho ayaa wuxuu hadalkiisa intaas kusii daray: “Way fiicnaan laheyd hadii uu go’aansado inuu mar kale dib ugu soo laabto Barcelona, waan u furi doonaa alb”abada”.