Phillipe Coutinho Oo Ka Codsaday Mohamed Salah In Uu Ku Soo Biiro Barcelona

Laacibka Barcelona Philippe Coutinho waxaa lagu soo warramayaa in uu ugu baaqay xiddigga Liverpool Mohamed Salah in uu ku soo biiro Camp Nou dhammaanta xilli ciyaareedkan.

Salah waxa uu shiishka u wada saran yahay Barcelona iyo Real Madrid xilli uu soo dhaw yahay suuqa kala iibsiga xagaaga.

 

Laacibka u dhashay Egypt waxaa loo aqoonsan yahay haatan in uu ka mid yahay ciyaaryahanada dunida ugu wanaagsan isaga oo goolashiisa xilli ciyaareedkan gaadhsiiyey 38 kulankii Champions League ee Mancheser City.

Hase ahaatee, waxaa ku loolamaya saxiixiisa Barca iyo Real.

Madrid ayaa haatan u ku cad cad helidda masaariga la hollin la’yahay.

Laakiin sida laga soo xiganayo Don Balon, Coutinho ayaa soo faragaliyey sheekada isaga oo isku dayaya in uu wiifowga u ciiriyo dhinaca Catalans.

Labada ciyaaryahan 7 bilood ayey ku wada qateen Liverpool.

Hase ahaatee, Coutinho waxa uu bishii Janaayo ugu biiray Barcelona £142million.

Catalans waxa ay hanan doontaa sida lagu wada xilli ciyaareedkan horyaalka La Liga.

Kooxda uu hoggaamiyo Ernesto Valderde waxaa sidoo kale lala xiriirinayaa Antoine Griezmann laakiin sheekada Salah hadda ayey bilow tahay.

Don Balon waxa ay sheegeysaa in Coutinho uu Mohamed Salah la rabo Barcelona.

Dhinaca kale fallanqeeyaha Sky Sports News Paul Merson waxa uu ka wallaacsan yahay in Liverpool ceshan weyso Mohamed Salah.

 

“Miyey Liverpool joojin kartaa rabitaanka Real Madrid, Barcelona iyo Juventus ee Salah? Hanti adag ayuu noqon doonaa. Goolashan faraha badan ma heli doontid. Waa xilli ciyaareed cajiib ah in aan 30 gool dhaliyo,” ayuu yiri.

“Haddii aad 30 gool u dhaliso koox waa waxaad tahay mid wanaagsan.

“In aad u ciyaarto Liverpool oo aad u dheesho sidiisa, waxa ay ii tahay wallaac, Liverpool ma ceshan kartaa?

“Waxaan ka hadli doonnaa £100 million markale.”